1-2 September: Xasuuq maato, mise Guul Gobeed.. - Aragtidda Dadweynaha

Xareed 'Soomaali' — Waxa ay ahayd habeen lamid ah habeenada caadiga ah ee soo mara magaalada Gaalkacayo, hase ahaatee cadceedii soo baxday subaxaaasi waxa ay ahayd cadceed falaareheedu ay ahaayeeen gantaalo iyo hubka culus oo ku dhacayey garsoor, Qiiqa iyo gubashada goobaha dadweynaha oo u ekaa daruurta waxa ay ahayd mid ilowsiisay dadwaynaha Garsoor daruurtii maalintaas jirtay iyo cirkii cudoonaa ee Roobku saarnaa..
Warar Keydmedia Online
1-2 September: Xasuuq maato, mise Guul Gobeed.. - Aragtidda Dadweynaha

Taangiga iyo baabuurta dagaal ee sida fulaynimada ah hubka looga soo buuxshay, si doqonimo ahna loogu qaybinayey  Waaxaha Xaafada Garsoor  , Wiilal markii hore lagu soo abaabulay  alshabaab ayaad la dagaalamaysaan balse gadaal  dagaalka macaanaystay kadib markii ay ogaadeen in ay aargudasho u noqonayso Aano qabiileed hore,  iyaga oo shaarkii puntland huwiyey qabiilka majeerteen , shaarkii alshabaabna huwiyey qabiilka leelkase,  waxa ay ahayd xasuustii ugu waynayd ee aan ka xasuusto Dagaalkii Galkio..

Hadaba Arar kadib aan usoo laabto mawduuca kore, bilowgii Maaalmo naxdin iyo xasuuq Maato, gadaalse maalmo farxadeed , Gobonimo iyo Guul gobeed..

Waa tan horee maamulka Puntland ee hoosta ka xirnaa magaca qabiil waxa ay maalintaas xaafada soo galeen iyada oo aaan cidna wax la ogaysiin , iyada oo caruur, haween, iyo dhalinyaro iyo odayaalba midna ka warqabin xaalada ka socota magaalada, Waxba wax ka wanaagsane maalintaas raganimo ahaan lahaydaa hadii ciidan hubkiisa sita uu soo galo xaafada oo u diyaara in uu rag iska dhiciyo,balse Waxa xaafada lagusoo hogaanshay Taangiyo iyo Baabuurta dagaal (fuleynimo awgeed)

Wanaagsanaan lahaydaa hadii hubka kasoo dhacaya Taangiga uu ku dhici lahaa guri rag joogo , ee waxa uu taangigaasi ku dhacayey  hooyo cunto karsanaysa , caruur huruda iyo sidoo kale waayeel masaajid isaga jira,  goobo caafimaad, iyo garaashyada (dagaal gumeed)

Hadaan ka gudbo  dhacdadaas foosha xun ee gelinkii hore dhacday , waxaa xusid mudan in xaafada garsoor aysan joogin wax ciidan ah oo ubarbardhigi kara ciidamada duulaanka ah ee guryaha tuuryaynaya, nasiib wanaagse waxaaa is abaabulay dhalinyaro iyo odayaaal intii markaas hubkoodu gaalkacayo yaalay , waxaa bilaabmay in ay ubarbardhigaan ninkiiba 5nin (Dagaal gobeed)

Hubka ay haysteen dhalinyaradaas difaacaysay maalkooda iyo dadkooda waxa uu ahaa mid xadidan waxa uu ahaa mid aad u yar , balse nasiib wanaag  waxa qoriga haystay wiilal aan ogolayn in ay xabadooda seereeyaan, aan lamid ahayn midka sida roobka usoo ridayey ee fulaynimadu haysay lkn iyagu ku xisaabtamayey xabada ka dhacda qorigiisu in ay meel la hubo ku dhacdo oo aysan ka qasaarin ..

Wiilashii yaryaraa iyo fulayadii tirada badnaa Gabalkii ayaa u dhacay maalintaas, iyadoo fulaydii xaafada soo tuuryaynayey ay isaga huleeleen meelahay kasoo tuuryaynayeen xaafada…

 Subixii xigay  waxa ay ahayd subax ay reer garsoor diyaar garoobeen , kuna xisaabtameeen in sidii lagu yaqaanay maanta la kala baxo, oo ay  gumoobaan amase guulaystaan …

Haday shalay soo weerareen xaafad maran iyo caruur , maanta dagaalku waa kharaaryahay, laba xiniinyood ayaad taabatay, libaaxbay salaaxeen ..

Gurmad kii ugu cuslaa ayaa ka soo ruuqaansaday  Xas-badbaado iyo Galdogob ilaa kililka ilaaa Calyaalo , godorwaahis, ilaa iyo meesha ugu shishaysa .

Ciidan guul kusoo talagalay ayaa maalintaas kasoo ambabaxay galdogob iyo tuulooyinka hoos yimaada, kuna soo dhaartay in ay soo edbiyaan wiillasha hooyooyinka iyo caruurta laaya ee aan raga iska dhicin karin , Gaasaskii kasoo baxay galdogob waxa ay soo gaareen Galkio iyo Garsoor duhuradii , dagaalkii ayaa kharaaraaday , waxa uu tagay  halkii fulaygu carari jiray  geesiguse dhabar adaygi jiray, Wuxuu socdaba  intii galinkii danbe ka dhimanayd  sidii lagu yaqaanay  Reer garsoor waxaa ilaahay siiyey Guushii , waxa ayna wiilashii galdogob Gacanta ku dhigeen dhamaan magaalada galkio .

Galabtaas wiilasha da’da yari  dhaantada iyo jaandheerta waxa lagu tumaneyey  banaanada Garsoor , culimaduna Masjidka ayay salaaad shukri ka  tukanayeeen , Wiiilashii Geesiyada ahaana Waxa ay ku haminayeen in ay Gacanta ku dhigaan magaalada oo idil iyo Garoonka ilaa Kantaroolka waqooyi   ee magaalada .

Xaafada Israac oo idil waxa ay gacanta u gashay Halyeeyadii dulmanaa , waxaa bilaabmay  barakac iyo carar ka bilaabmay  israac (ninba maalintii bacda ha sito ), balse dagaal gobeed astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah oo ay muujiyeen geesiyadii Reer garsoor iyaga oo aan wax far ah saaarin masaakiinta, hooyoyinka, caruurta iyo maantadii ku dhaqnayd xaafada israac, waxa ay muujiyeen gobonimo , iyaga oo si nabad ah ugu ogolaaday in ay magaalada isaga baxaan , intii rabtana ay joogto oo aysan nin hub wata mooyee aysan cidkalle gacan u qaadayn.

Ugu danbayn soo ma ay tagin in wiilashii dal iyo dibadba la baryo , oo saariikiisha ugu waynaa baryo ugu yimaadaan , balse la marsiiyey  abaalkoodii oo ay la diley taliyihii ugu waynaa, ..

Sida raganimadu tahay ,marka aad guulaysato la iskama dhigo doqonkii raayey ee rakrakashada badnaa, wiilashii iyo cuqaashii garsoor waxa ay qaateen wixii talaabo ah ee loosoo jeediyey iyaga oo si nabad galyo ah ugu soo laabtay Garsoor , nabadna kusoo celiyey  magaalada Gaalkacayo..

Mahad celin.

Qodobadan hoose waa in qof walba ooo Galbeedka mudug uu maskaxda ku hayaaa oo uusan hilaamin.

1- Gurmadkii reer Galdogob ee maalintaas difaacay garsoor waaa lama ilaawaan taarikhdu qortay.

2- Hubkii iyo saanadii walaaltinimo ee baraxley ama garsoor waa mid aan la ilaawi Karin.

3- Hadaladii iyo Geesinimadii Halyeey Daahir maxamud muuse (gudomiyihii Degmada galkio )uu ku  difaacay dadkiisa iyo degaankiisa, iyadoo aan la ilaawi Karin in uu xilkiisa ku waayey difaacida dadkiisa, halka rag u dhashay garsoor ay maalintaas  xil ku raadsanayeen bahdilka beeshooda..

4- Taageeradii iyo baaqii beelaha daarood , khaastan beelaha mareexaan iyo dhulbahante oo go’aano cad ka soo saaray dagaalka.. puntlandna ku canaanta in ay dagaal qabiileed waddo..

Gabo-Gabo

Dagaalkii Galkio kadib maxaa usuurta galay beesha leelkase ?

Maxaa la gudboonaa maxayse fashay?

Maxaa khaldmay dagaalkii dabadiis, maxaase saxmay?

Waa Su'aalo u baahan in laga Jawaabo balse anigu aan ka gaabsaday..

Waa Aragtidda: Xareed 'Soomaali' - Xareed2525@gmail.com