100+ ku dhimatay Roobab dabeylo wata // Deeg. ka tirsan Gobollada Bari iyo Nugaal

Eyl (KON) - Ugu yaraan Boqol ruux ayaa ku dhimatay, Boqolaalnah waa la la'yahay kadib Roobab Dabeylo wata oo ka da'ay Deegaano ka tirsan Gobollada Bari, Gardafuuy iyo Nugaal.
Warar Keydmedia Online
100+ ku dhimatay Roobab dabeylo wata // Deeg. ka tirsan Gobollada Bari iyo Nugaal

Duufaantan Tropical Cyclone Three (03A) ayaa soo gaartay Qeybo kamid ah Gobalada Bari, Gardafuuy iyo Nugaal., waxeyna dabeesha ugu darneed khasaaro badan ka geesatay Gobolka Bari.

Roobab xooggan oo wata Dabaylo lagu tilmaamay duufaantan Tropical Cyclone Three (03A) oo gaareysa 100km Saacadiiba ayaa Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka da'yey degaanadaas, waxaana lagu Qiyaasay Dadka ku Nafwaayay Dabeeshaas 100 Ruux, halka Wararka Qaarkood ay sheegayaan in Dhimashadu ay mareyso 18o ruux.

Boqolaal ruux ayaa wali la'yahay, waxaana jira Tuulooyin aan la gaari karin oo Burburay. Dabeesha ayaa Maanta gaartay Gobollada Gardafuuy iyo Nugaal.

Gobolka Bari Deegaannada uu Khasaaraha ugu badan ka dhashtay ayaa ah degmooyinka Bandar-bayla, Caluula iyo Eyl iyo Deegaano kale oo ku dherersan xeebta badweynta Hindiya.

Dadka geeriyoodey ayaa u badan caruur, waxaana intooda badan laayey qabow aad u daran oo ay dabeysha roobku keentay.

Roobab-kaan ayaa watay Baraf, waxeyna aheyd Dabeyshii ugu xoogneed oo ka dhacday Deegaankaas.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo