100 Ruux oo lagu Qabtay Howlgal ka socda Muqdisho

Muqdisho (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saaka Baaritaano ka wada Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
100 Ruux oo lagu Qabtay Howlgal ka socda Muqdisho

Baaritaanada ayaa waxaa ay ka socdaan Qeybha ay ka kooban tahay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Waxaa Baarintaanka Saaka lagu soo qab qabtay ugu yaraan 100 Ruux oo Gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Huwantaa ee Howlgalka wada.

Goobjoogeyaal ku sugan Wadada Warshadaha ayaa Keydmedia Online u sheegay in Howlgalka uu wali soco islamarkaana dadka Ciidamadu ay Qab qabanayaan.

Saraakiisha Laamaha Amaanka Soomaaliya wali ka mahadlin Howlgalada Saaka ka socda Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho