11. August Bilawga beegsiga Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Keydmedia Online - Xilli ay Subax hore tahay, Maanta oo kale Sanadkii 2007-dii ayaa dadka Muqdisho soo gaaray Warka ah in Rag hubeysan ay toogteen Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Madaxii Idaacaddi Capital Voce xilli uu shaqadiisa ku socday.
Warar Keydmedia Online
11. August Bilawga beegsiga Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi waxaa uu ahaa wariye si weyn ugu dhaq dhaqaaqa dadka taagta daran ee aan codka laheyn waxaana uu dhawr u dooday dad dulmanaa.

Isla maalintaas galinkeedii dambe mar laga soo laabtay aaskii Allaha u naxariistee meydkii Mahad oo lagu aasay qabuuraha Barakaat waxaa qarax wadada la galiyay ku geeriyooday Allaha u naxariistee  Cali Imaan Sharmaake oo ka tirsanaa mas’uuliyiintii Idaacadda Horn Afrik.

Cali Imaan waxaa uu u geeriyooday dhaawac qaraxaas kasoo gaaray wariyaal kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray waxaana ay taasi keentay in wariyaal badan uu qal qal soo wajaho.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa la aaminsan yahay inay bilaabatay beegsiga tooska ah wariyaasha u shaqeeya warbaahinta madaxa banaan  wixii xilligaas ka dambeeyayna wariyaal fara badan ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya kuwaasoo sababsaday hawsha saxaafadeed ee ay bulshada u hayaan wariyaal badana dantu waxay ku qasabtay inay dalka ka cararaan kuwa kalena willi xaaladaas adag ayay ku shaqeeyaan.

Tiro badan oo saxafiyiin ah ayaa ku geeriyooday qaraxyo dalka ka dhacay kuwo waa ay ku dhaawacmeen kuwo kalena si bareer ah ayaa siyaabo kala duwan loogu toogtay

Dilalka wariyaasha willi ma aysan joogsan waxaana sanadihii dambe Soomaaliya ay safka hore ka gashay wadamada ugu badan ee wariyaasha lagu dilo.

Qoraalkaan waxaa Keydmedia Online usoo diray Wariye aan rabin in Magaciisa la faafiyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi