15 Xildhibaan oo laga joojiyey kulamada Baarlamanka

Mursal ayaa qaaday tallaabo aan horey loo arag oo sharciga baal-marsan.

Warar Keydmedia Online
15 Xildhibaan oo laga joojiyey kulamada Baarlamanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal oo mudo-xileedkiisu dhamaaday 27-kii December 2020, ayaa soo saarey Caawa sharci cusub kaasoo 15 Xildhibaan looga joojiyay kulamada soo socda.

Joojinta ayaa loo cuskaday horjoogsiga ay Xildhibaanada ku sameeyeen fadhigii 27-ka March ee kusoo dhamaaday fowdada kaasoo lagu fashiliyay Mooshin la sheegay in mudo kordhin loogu sameyn lahaa Farmaajo.

Xildhibaano kamid ah kuwa kasoo muuqday liiska, ayaa sharci-darro ku tilmaamay go'aanka Mursal mid dastuurka baal-marsan oo aan la aqbali karin, islamarkaana ay tagi doonaan Villa Hargeysa Isniin.

Liiska Xildhibaanadda laga joojiyay kulamada soo socda:

  1. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
  2. Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow
  3. Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow
  4. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur
  5. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
  6. Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed
  7. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
  8. Xildhibaan Maxamed Cali Cumer
  9. Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed
  10. Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey
  11. XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
  12. Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji
  13. Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon
  14. Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa
  15. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare

Mahad Salaad ayaa sheegay in Mursal uu maleegayo mooshin mudo-kordhin ah, taasoo ay kasoo horjeedaan, isagoo xusay in dalka hay'adihii dowliga ee ka jiray dhamaan waqtiga ka dhacay, loona baahan yahay doorasho in la galo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.