Kenya finalising miraa trade deal with Mogadishu
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qabanqaabada xuska sanad-guurada 62-aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay Guddi Qaban-qaabinaya Xuska Sanad Guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii dalku xornimada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga 26-kii Juunyo iyo 14-kii Luuliyo 1960-kii.
Howsha guddigaan ayaa ku eg marka ay munaasabaduhu dhammaadaan, waxa ayna kala yihiin; 1- Cusmaan Abuukar Dubbe, 2- C/llaahi Max'ed Nuur 3. C/qaadir Max'ed Nuur, 4- Durraan Axmd Faarax, 5- C/raxmaan Ducaale Beyle, 6- Xamza Saciid Xamza, 7- Marwo Khadija Max'ed Diiriye, 8- Xasan Xuseen Xaaji.
9. C/wahaab Ugaas Xuseen, 10- Shugri Maxamuud Afrax, 11- Cumar Max'ud Maxamed, 12- Xuseen Sheekh Maxamuud 13. Maxamed Ibraahim Nuur 14- Amiina Axmed Samatar, 15- Hinda Axmed Cali iyo 16- Bashiir Axmed Cusmaan, waxayna xubnahaan u badan yihiin Wasiirro ka tirsan Xukuumadda xilka ka sii degeysa.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasimaha Madaxtooyada, Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Agaasimaha Xoghaynada & Keydinta Qoraallada ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Madaxweynaha iyo xubno kale ayaa ku jira guddiga qaban-qaabada.
SHAQADA GUDDIGA
Soomaaliya waxay gobonimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, maalmo isxigxigay; goboladda waqooyiga oo aheyd 26-ka Juun iyo koofurta oo ku beegneyd 1-da Luulyo, halkaas oo markii ay Soomaalidii waqooyiga xornimada heleen ay la midoobeen walaalahoodii kale, kadibna lasoo dhisay dawlad dimuqraaddinimo ku saleysan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments