18 Maalmood malagu dooran karaa 100 xildhibaan?

Golaha Wadatashiga Qaranka, oo ka kooban RW Rooble, iyo Madaxda Dowlad gobolleedayada ayaa ku dhawaad 20 maalmood ku kordhiyay xilliga dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka.

News Keydmedia Online
18 Maalmood malagu dooran karaa 100 xildhibaan?

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga Qaranka, oo xalay kulan ku yeeshay, habka fogaan aragga (ZOOM), ayaa go’aamiyay in 18 maalin oo dheeraad ah lagu daro, xilliga lagu soo gabagabeynayo doorashooyinka Golaha Shacabka ee BJFS, taas oo ka dhigan in 25ka Feberaayo 2022, ay gaari doonaan doorashooyinka Baarlamaanka.

Qorshihii hore, wuxuu ahaa, in maanta oo ku beegan, 24-ka Febraayo, 2022, la soo af-meero, guud ahaan doorashada xubnaha Golaha Shacabka, hayeeshee, 100, xildhibaan ayaa wali u baahan in la soo doorto, taas oo waajib ka dhigtay u baahashada waqti dheeraad ah, ee oo cayiman.

Kulanka oo uu shir guddoominayay RW Rooble, ayaa sidoo kale, looga hadlay, xal u helista arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarrey, taas oo la isla qaatay in Rooble, u diro guddi soo qiimeeya xaaladda Garbahaarreey, kaas oo ka kooban xafiiskiisa iyo Guddiyada doorashooyinka.

Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, Xiisado amni oo ka soo kordhay degaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada iyo qodobbo kale, ayay u sababeen dib uga dhaca waqtii hore ee 25ka Feberaayo 2022.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta iyo Madaxda Maamullada, ayaa waalaac xoogganka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, waxayna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqeen in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhammaan 54-ta xubnood ee Aqalka sare ayaa la soo doortay, halka ay diyaar yihiin 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal ay soo baxeen, 100 xildhibaan oo Aqalka hoose, ayaa loo baahan yahay in lagu soo doorto 18 maalmood.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.