Dhaqaatiir ku geeriyootay Xeebta Hobyo

Labo Ruux ayaa ku geeriyootay xeebta Hobyo, sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugnaa magaalada Hobyo oo aan xiriir la sameynay.

Warar Keydmedia Online
Dhaqaatiir ku geeriyootay Xeebta Hobyo

HOBYO, Soomaaliya - Laba ruux oo u dabaal tagay Xeebta Hobyo ayaa ku geeriyooday halkaas, kaddib markii ay biyo qaadeen. Magacyada labada marxuum ayaa lagu kala sheegay Dr Abdirizakh Awil Durmad Iyo Abshir Hassan Diiriye.

Labada marxuum ee geeriyootay ayaa ahaa dhaqaatiir dhalinyaro ah waxayna ka shaqeynayeen Isbitaalka Deegaanka Gawaan, maadaama ay maanta tahay maalin nasiino ayey u dalxiis & dubaal tageen magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana iyagoo dabaalanaya ay la tagtay baddii.

Xeebta Hobyo oo inta badan xilliyadeedu kacsan yihiin, dabeylo xoogganna ay ka jiraan ayaa waxaa ka dhacay shilal lamida kuwan oo dadka u dabaal taga iyo kalluumeysatada degmada Hobyo ayey qaaddaa. Mana ahan markii ugu horreysay oo ay dad udabaal tagay xeebta Hobyo ay baddu liqday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.