Labo ruux oo lagu dilay deegaan ka tirsan Galmudug

Laba ruux oo watay gaari qaad ayaa xalay lagu dilay deegaanka Mircowleed oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug

Warar Keydmedia Online
Labo ruux oo lagu dilay deegaan ka tirsan Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay Xili danbe waxay deeganka Mirocowleed oo hoostaga degmada Cadaado kudileen labo nin oo watey gaari qaad, iyadoo ay halkaa isaga carareen kooxdii geysatay falka dilka ah.

Dilka ayaa dhacay kaddib markii ay waddada u galeen gaariga siday qaadka, waxayna huwiyeen rasaas iyadoo ay halkaa ku geeriyoodeen labadii ruux ee gaariga saarnaa, waxaana gaddoomay gaarigii ay saarneeyeen isagoo bur-buray gabi ahaanba gaarigii, lamana oga sababta weerarka keentay, hayeeshee waxaa la isla dhex marayaa in maleeshiyaadka ay waddada ugaleen gaariga qaadka, halka warar kale ay sheegayaan aano qabiil uu la xiriiro weerarka.

Waxaa jira xiisad dilka kadhalatay oo saakay halkaas laga dareemayo, iyadoo inta badan deegaanada Galmudug ay ka dhacaan weeraro sidan oo kale ah, wasaaradda amniga galmudug iyo maamulka gobolka Galgaduud weli kama hadlin weerarka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.