2 xubin oo guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha oo la ansixiyay

Labadii xubin ee guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha ayaa la ansixiyay, iyadoo uu socdo kulankii Golaha Shacabka ee maanta.

Warar Keydmedia Online
2 xubin oo guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha oo la ansixiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Labadii xubin ee guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha ayaa la ansixiyay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ansixiyay Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza oo ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, waxaana ogolaatay 136 -Xildhibaan 3-Xildhibaan  ayaa ka aamustay wax diidayna ma jirin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.