Wiil uu dhalay Xarbi Cali Kulane oo lagu eedeeyay dilka xildhibaan Amess

Jariiradda The Mail on Sunday, oo xiganeysa ilo wareedyo ammaan, ayaa sheegtay in Cali Xarbi Cali, uu qorsheynayay weerarka dilka ah in ka badan toddobaad.

Warar Keydmedia Online
Wiil uu dhalay Xarbi Cali Kulane oo lagu eedeeyay dilka xildhibaan Amess

UK - Sir David Amess, oo ahaa xildhibaan muxaafid ah tan iyo 1983-kii lagana soo dooran jiray degaanka Southend West, ayaa toorey lagu dilay Jimcihii, xilli uu ku guda jiray qaabilaadda dadka soo doortay ee qaba tabashooyin la xariira arrimaha socdaalka, qoysaska, sharciga, degaanka iyo caafimaadka.

Booliska ayaa dilkaas u xiray Cali Xarbi Cali, oo ah 25 jir heysta dhalashada Ingiriiska, hayeeshee, ka soo jeeda Soomaaliya, waxaana ku socda baaritaanno tan iyo Sabtigii.

Aabaha la tuhunsanaha, oo lagu magacaabo Xarbi Cali Kullane, oo horay u ahaa la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro gacanta booliska ka dib dilkii David Amess, wuxuuna sheegay inuu ka argagaxay xarigga iyo dhacdada lala xariiriyay wiilkiisa.

Kullane wuxuu sheegay in booliiska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard ay soo booqdeen. “Waxaan dareemayaa xanuun badan. Ma ahan wax aan filayay ama xitaa ku riyooday, ” ayuu yiri.

Booliska Metropolitan ayaa weerarka lagu khaarijiyay Sir David, ku tilmaamay mid argagaxiso, waxayna sheegeen in baaritaannada hor dhaca ah muujinayan, suuragal-nimada ah, in falku la xariiro kooxaha xagjirka ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in eedeysanuhu uu ku noolaa London uuna u safray Essex, si uu weerarka u fuliyo. Cali ayaa shalay laga soo raray Southend, waxaana loo qaaday si su'aalo loogu weydiiyo waax gaar ah oo aad loogu ilaaliyo dadka looga shakisan yahay argagixisada oo ku taalla London.

Weerarka iyo dilka Sir David Amess, ayaa yimid shan sano kadib khaarijintii xildhibaan Jo Cox, falkaan ayaana abuuray walaac cusub, oo ku saabsan amniga musuuliyiinta gaar ahaan ilaalada xildhibaannada.

Jariiradda The Mail on Sunday, oo xiganeysa ilo wareedyo ammaan, ayaa sheegtay in Cali Xarbi Cali, uu qorsheynayay weerarka dilka ah in ka badan toddobaad.

Soomaalida ku dhaqan UK, ayaa arrinkaan ka muujisay walaac xooggan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.