30 Maalin warkooda lama hayo guddigii xaqiiqo raadinta

Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble, u xil-saaray soo baaridda cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda la askareeyay ayaan warkooda la hayn muddo 30 cisho ah oo ay magacaaban yihiin.

Warar Keydmedia Online
30 Maalin warkooda lama hayo guddigii xaqiiqo raadinta

MUQDISHO, Soomaaliya – Soddon maalmood ayaa ka soo wareegtay markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed, kuwaas oo aan caruurtooda raq iyo ruux midna heyn in muddo ah.

Maanta oo kale bishii hore, 12 June 2021, ayaa la magaacaabay guddiga xaqiiqo radinta cabshada Waalidiinta, mana jirrto wax shaqo ah oo guddigu qabtay, isla-markaana uu la wadaagay bulshada.

Keydmedia Online, ayaa hore u tabisay in Rooble, u tafaxeytay marin-habaabinta, qaddiyadda dhalinyarada maqan, kadib markii uu magacaabay guddi, ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah shaqsiyaadka u eedeysan kiiska askarta laga dagaal galiyay waqooyiga Itoobiya, ilaa haddana aan meel lagu sheegin raqdooda iyo ruuxooda.

Guddiga Rooble u magacaabay arrinkaan, waxaa ku jira Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Cabdullahi Axmed Jaamac, iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Gen, Odawaa Yuusuf Raage, oo ay qasab tahay in ay wax ka ogaayeen shirqoolkii loo maleegay dhalinyarada.

Rooble, Wuxuu iska indhatiray, magacaabidda guddi isku dhaf ah, oo lagu kalsoonaan karo, sida inuu min hal xubin ka soo magacaabo guddiga ay iska dhex doorteen waalidiinta, gudiyada ammaanka iyo xaquuqul iinsaanka ee labada gole ee Baarlamanka, Guddiga Arrimaha Dibadda ee BFS, Ururrada Bulshada iyo Axsaabta Mucaaradka.

Guddigaan oo la rumeysnaa in aysan wax shaqo ka qaban doonin arrintaan, ayaa markii hore laga soo magacaabay xaafiiska Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana la soo marsiiyay xaafiiska Rooble, si aan xasaasiyad looga qaadin.

Waxaa jira guddiyo uu Rooble u xil-saaray soo baaridda arrimo muhiim ah, sida guddiigii loo diray in ay soo baaraan shirqoolladii ay Kooxda Farmaajo isku dayeen in ay ku laayaan siyaasyiin iyo shacab mudaharaad nabadeed dhigayay 19-kii Febaraayo 2021, kuwaas oo in ka badan shan bilood wali baaritaan ku maqan.

Guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed, waxaa la aaminsan yahay inuu la mid noqon doono guddiyadii uu hore u magaacabay ee aan wali waxba ka soo naasa-caaddan.

Warbixin ka soo baxday Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eratariya ay ku lug lahaayeen dagaalkii lagu qaaday gobolka Tigreega ee Itoobiya.

Sido kale sii hayaha ku-xigeenka Xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, Robert F. Godec, ayaa sheegay Mareykanku uu xaqiijinayaa in ciidamadii Soomaaliya ee loo qaaday Eritrea lagu arkay gudaha Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.