30 qof ayaa la xiray

Muqdisho (Keydmedia) Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah ayaa maanta howl gal ka fuliyeen degmada xamar jajab ee Gobalka Banaadir waxa ay ku xireen in ka badan 30 ruux.
Warar Keydmedia Online
30 qof ayaa la xiray

Dadka la xirxiray ayaa waxa ay isugu jireen dhalin yaro deegaanka ah iyo macalimiin dugsi qur'aan ka dhigayay degmadaasi.

Howl galka waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska waxaana markii danbe la sheegay in dadka la qabtay lagu wareejiyay ciidamo la sheegay in loo carbiyay la dagaalanka waxa ay reer Galbeedka u yaqaanaan argagixisada kuwaa oo ka amar qaata Dowlada Maraykanka.

Inta badan howl galada ay ciidamada Dowlada ka fuliyaan gudaha Muqdisho ayaa lagu xiraa dad rayid ah kuwaa oo qaarkood la waayo warkood meel uu ku danbeeyay.

www.keydmedia.net