30 Shabaab ah oo ku biirtay dowladda

Dhallinyaro ka tirsanayd maleeshiyada Al Shabaab ayaa ku biirtay dowladda KMG ee Soomaaliya, intii ay socdeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
30 Shabaab ah oo ku biirtay dowladda

Dhallinyaradaasi oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 30 qof, ayaa ka faa’ideysanaya waqtiga dowladda KMG ay cafiska u fidisay dhallinyarada la marin-habaabiyay, sida uu Bar-kulan u sheegay Sheekh Maxamed Faarax Cali Al-Ansaari oo ka mid ahaa kooxdii Al Shabaab ee dhowaan ka faa’iideysatay cafiska dowladda KMG ah ee Soomaliya.

Al Ansaari ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaalida ah ay ku adeeganayaan rag ajnabi ah oo mar dhow islaamay, isla markaana dambiyo ka soo galay dalalkii ay u dhasheen, wuxuuna u soo jeediyay dhallinyarada la marin habaabiyay in ay ka faa’iideystaan cafiska dowladda.

Sheekh Maxamed ayaa xaqiijiyay in dhallinyarada isku dhiibtay dowladda loo abuuray mihnado shaqo oo kala duwan, qaar heystay shahaadooyinka dugsiga sarena loo diray jaamacado.

Xigasho: Bar-Kulan