34 kun oo neef oo abaar awgeed ugu naf-waayay Jubbaland

Jaridda geedaha daboolka u ah dhulka, ayaa sababtay in la waayo dhul baaxad leh oo ahaan jiray keymo dhihan oo burwaaqo ahaa inta badan, taasina waxay keentay nabaad guurka ciidda iyo biyaha macaan.

Warar Keydmedia Online
34 kun oo neef oo abaar awgeed ugu naf-waayay Jubbaland

JUBBALAND – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jubbaland, Maxamed Nuur Cali, oo warbaaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ku dhawaad, 35 kun oo neef ay galaafatay, abaarta daran ee ka jirta gobollada Jubbooyinka ee koofurta Soomaaliya.

Biyo iyo baad la’aan middii ugu darneyd ayaa ka taagan degaanno dhaca Jubbaland, taas oo horseedday, dhimashada 22 kun oo lo’ ah, Sagaal kun oo Geel ah, 2700 oo Ari ah iyo 300 oo Dameerro ah.

Jubbooyinka oo xilli ka mid ahaa, gobollada ugu dihan Soomaaliya, ayaa hadda wajahaya cawaaqib xumada ka dhalatay ka ganacsiga dhuxusha, taas oo saamayn taban ku yeelatay habnololeedka iyo sugnaanta cuntada.

Dhiigmiirashada ay degaanka ku hayaan dhuxulleyda aan diir nixin isla-markaana garab ka helaya maamulka Axmed Madoobe, ayaa keentay, is-badel xooggan oo dhanka cimillada ah, taas oo si weyn u kala fogeysay xilli roobaadyadii caadiga ahaa.

Ka ganacsiga dhuxusha ee degaannada Jubaland State, wuxuu noqday mid ka mid ah badeecadaha ugu badan ee la dhoofiyo, isagoo noqday isha ugu weyn ee dakhliga kumanaan dadka reer miyiga ah.

Jaridda geedaha daboolka u ah dhulka, ayaa sababtay in la waayo dhul baaxad leh oo ahaan jiray keymo dhihan oo burwaaqo ahaa inta badan, taasina waxay keentay nabaad guurka ciidda iyo biyaha macaan.

Sida ay sheegayaan dadka u dhuunduleeda arrimaha abaaraha, ayaa sheegaya, in degaannada Jubbaland ay si weyn u saamaysay, soo noqnoqoshada xaaladaha cimilada, sida dhacdooyinka abaarta, fatahaadaha is daba joog ah, Ayaxa lama-degaanka sababay, iyo kuwo kale ayaa sii wada burburinta habnololeedyada, oo ay ka mid yihiin colaadaha ka dhasha biyaha iyo daaqa iyo sii kororka barakacayaasha.

Siyaasadaha caanka ah ee khuseeya waaxda deegaanka, hayeeshee ilaa hadda aan mira-dhalin, waxaa ka mid ah NDP 2020-2024, Siyaasadda Dhuxusha Qaranka 2020, Siyaasadda Deegaanka Qaranka (NEP), Xeerarka Degaanka 2020, Qaabka Soo-kabashada iyo Adkeysiga (RRF), Siyaasadda Tamarta, NAPA, Siyaasadda Isbeddelka Cimilada Qaranka, Qabyo-qoraalka Degaanka Qaranka iyo Qorshaha Waxqabadka Istaraatiijiyadeed (NESAP).

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.