34 Xubnood oo laga saaray guddigii doorashooyinka ee lagu muransanaa

Kaddib cashadii laga keenay guddiyadii doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaa ugu dambeyn laga saaray 34 xubnood oo kamida kuwii magacyadooda lasoo gudbiyay.

Warar Keydmedia Online
34 Xubnood oo laga saaray guddigii doorashooyinka ee lagu muransanaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Guddigan oo ka koobnaa wasiirro ka tirsan xukuumadda RW Rooble ayaa horay loogu soo gudbiyay 67 xubnood oo cabasho laga keenay kuwaasoo isugu jiray Ciidan dhar-cad ah oo ka tirsan NISA, shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada iyo kan Ra'iisul Wasaaraha.

Golaha midowga musharaxiinta oo markii horeba soo gudbiyay cabashada 67 xubnood ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan in soo jeedintoodii laga aqbalay kalabar xubnihii ay diidanaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.