4 carruur ah oo ku geeriyootay Ceelasha-Biyaha

Muqdisho (Keydmedia) - Afar carruur ah ayaa macaluul iyo nafaqo darro xalay ugu geeriyootay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
4 carruur ah oo ku geeriyootay Ceelasha-Biyaha

Carruurta geeriyootay ayaa qeyb ka ahaa qoysas dhowaan ka soo barakacay abaaraha ku dhuftay deegaanka Qansax-dheere, halkaasi oo ka mid ah goobaha ugu daran oo ay abaaraha saameeyeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qoysaska carruurtaan u diiday in ay u gudbaan dhinaca magaalada Muqdisho, si ay halkaasi uga helaan taageero bini’aadannimo.

Qoysas badan oo doonayey in ay u gudbaan Muqdisho ayaa lagu xayiray Ceelasha-Biyaha, iyada oo dadka ku nool deegaanka Ceelasha-Biyaha aysan weli billaabin qorshe ay ugu gurmanayaan dadka abaaraha soo barakaciyeen ee deegaannada soo gaaraya.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay raashiin u qeybin doonto dadka ay abaaraha soo barakiciyeen ee ku sugan Muqdisho.