Qoysas laga soo bad baadiyay Roobab ka da’ay Muqdisho

Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, waxaa haatan ka da'aya Roobabka Go'ga, oo saameyn xooggan ku yeeshay Qoysaska danta yar ee ku nool xeryaha barakacayaasha.

Warar Keydmedia Online
Qoysas laga soo bad baadiyay Roobab ka da’ay Muqdisho

MUQDISHO - 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho iyo qaar katirsan gobolada dalka ka da’ayay Roobab xooggan, kuwaasoo saameeyay dadka danta yar, ee ku nool Kaamamka Barakacayaasha, oo aan ku haysan guryo ka celin kara dabeylaha Roobka.

Roobabka ayaa sidoo kale biyo dhigay waddooyinka Muqdisho, waxaana lagu arkayay bur-bur saameeyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku noolyihiin dad danyar ah, waxaana la soo sheegayaa in ku dhawaad 50 Qoys laga soo bad baadiyay degmada Boondheere.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa sheegay in ay Qoysas-kaan gurmad u fidin doonaan.

Dhibaatada lala kulmo markii roobabka da'ayo ayaa ah in wadooyinka ay biyo fariistaan, maadaama aysan lahayn bullaacado shaqeynaya, waxaana biyaha markii ay bataan ku fatahaan xaafadaha, iyagoo sababa in guryo badan laga barakaco.

Shirkadii dhistay ee Turkiga ayaa dabooshay biyo-xireenkii hore ee ay wadooyinka lahaayeen, iyadoo dhibaatada xilliyada roobabka aysan jirin maamul mama Mas'uul u istaagay oo doonaya inuu wax ka qabto, iyadoo shacabka laga qaado canshuur aad u badan.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.