86 sano kadib, Masjidka Hagia Sophia oo maanta lagu tukanayo

Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan ayaa maanta xariga ka jarayo masjidkaan oo horey u ahaa Matxaf lagu soo bandhigo dhaqanka iyo Taariikhda.

Warar Keydmedia Online
86 sano kadib, Masjidka Hagia Sophia oo maanta lagu tukanayo

ISTANBUL – Boqolaal Muslimiin ah ayaa maanta Salaadda Jimcaha ku tukanaya Masjidka Hagia Sophia oo horey u ahaa Matxaf ama goob lagu soo bandhigo dhaqanka iyo Taariikhda., kaasoo ku yaalla magaaladda Istanbul

Madaxweyne Recep Tayyip Erdugan ayaa la qorsheynayaa in uu maanta xariga ka jaro furtitaanka Masjidka, waxaana inta badan la joojiyay Basaska iyo Tareennada qaada dadweynaha, si amniga loo sugo.

Waxaa heegan buuxa la geliyay 17 kun oo Ciidamo boolis ah, kuwaasoo amaanka Masjidka sugaya inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Erdogan, waxaana la xiray barxadda lagu nasto ee Sultan Ahmet.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in albaabada Masjidka lagu diyaariyay howlwadeenno Caafimaad, oo baaraya heer kulka qof kasto oo Masjidka galayo, si looga gaashaanto caabuqa COVID-19.

Horaantii bishan ayay aheyd markii Maxkamadda sare ee Turkiga baabi’isay Madxafkii Hagia Sophia, oo muddo 86-sano ah ahaa dhismo hay’adda  UNESCO u aqoonsan tahay goob lagu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 24-ka July oo ku began maanta dib loo furayo dhismahaasi oo loo qorsheeyay in uu noqdo Masjid.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.