“$9.6 Milyan ayuu Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya” - Bayle

Arrintan ayaa imaneysa, kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay fasaxday lacagtaan oo 2018-kii laga xayiray Imaaraadka, kadib markii lagu qabtay Aadan Cadde

News Keydmedia Online
“$9.6 Milyan ayuu Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya” - Bayle

MUQDIAHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu, dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag deeq ah, taasoo Wasiirka Maaliyadda iyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaruhu ku sheegeen tiradeeda 9.6 Milyan oo Dollar.

Hayeeshee, sida ay hore u baahisay KEYDMEDIA ONLINE, waxaa jira xogo loo qaateen ah oo sheegaya in lacagta maanta lagula kala wareegay Bankiga dhexe ay tiradeedu gaareysay $12 milyan oo doollar, isla-markaana $2.4 milyan, ay ahayd sooryo siyaasadeed, oo Imaaraadku ugu tala galay arrimo gaar ah.

"Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa sheegay in lacagtan gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka". Ayaa lagu yiri war lagu faafiyay warbaahinta Qaranka.

Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan ayaa 19-kii May 2022 wuxuu lacagtan ugu deeqay Soomaaliya, isla maalinkii ay Soomaaliya fasaxday lacag muddo ka badan afar sano ay haysay oo Imaaraadka looga qabtay garoonka Aadan Cadde bishii April 2018.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.