Warar Keydmedia Online | 7 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan exkoontarool Afgooye ayaa waxa ay sheegeen in xalay howl gal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada badbaado ay ku xireen nin ku labisan dharka dumarka oo dhex joogay xerada badbaado ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online | 6 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Kooxda Shabaab oo Xalay laga Saaray Magaalada Muqdisho ayaa Daqiiqado ka hor dib uga guurtay Ceelasha Biyaha.

Warar Keydmedia Online | 6 August 2011

Nairobi (Keydmedia) - Horjoogayaasha maleeshiyada shabaab ayaa u jiheestay dhanka gobalada Bay,Bakool iyo Jubooyinka waxaana la arkayaa saraakiil ay ka mid yihiin cali dheere iyo Shonqole waxaana la sheegay iyaga oo wata gaadiidka raaxada ay sii dhaqaaqeen.

Warar Keydmedia Online | 6 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Afhayeenka Shabaab Cali dheere oo qiray in Shabaab lagu jabiyay dagaaadii Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in kooxdooda ay u hiilin doonkaan darbiyada Muqdisho isla markaana ay mar kale ka adkaan doonaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.

Warar Keydmedia Online | 6 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe laga saaray guud ahaan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo Sanadihii la soo dhaafay ay gooba badan uga sugnaayeen.

Warar Keydmedia Online | 6 August 2011

London (Keydmedia) - Aktartkan oo lagu magacaabo Rowan Atkinson balse caalamka loogaga yaqaano magaca Mr Been ayaa la sheegay in uu shir ku galay isaga oo wato baabuurka nooca loo yaqaano F1 super car deegaanka Cambridgeshire ee dalka Ingiriiska.

Warar Keydmedia Online | 6 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa Muqdisho Xaafada Buulo Xuubey ka socda mashruuc afurin dadka danyartaa oo ay iska kaashanayaan Worldwide Somali Students iyo Keydmedia.

Warar Keydmedia Online | 5 August 2011

Nairobi (Keydmedia) - Maleeshiyo ka wada tirsan ciidanka Dowlada ayaa ku dagaalantay xerada badbaado ee degmada dharkeyley taasoo dhawaan dowlada ay ku xareysay dhibanayaasha abaarta ee ka soo barakacay gobalada Bay iyo Bakool.

Warar Keydmedia Online | 5 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamo kala taabacsan gudoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee dhinaca Amniga Warsame Joodax iyo gudoomiyiha degmada Hiliwaa Cumar Jacfaan ayaa ku dagaalamay degmada X.weyne.

Warar Keydmedia Online | 5 August 2011

Muqdisho (Keydmedia) - Maxkamada Ciidamada Milatariga ee dowlada KMG ah ayaa xukun maxkamadeed oo u dhaxeeya 2-10 sano waxa ay ku riday edeysanayaal la sheegay in ay ka tirsanayaan Alshabaab.

Warar Keydmedia Online | 5 August 2011

Nairobi (Keydmedia) - C.llaahi Shiikh Xasan oo ka tirsan Soomaalida galaangalka ku leh arimaha Siyaasada ayaa sheegay in gudiga gurmadka abaaraha ee dowlada ay musuq maasuqeen garaagrkii loogu tala galay shacabka dhibanayaasha ah ee ay abaartu saameysay.

Warar Keydmedia Online | 5 August 2011

MUQDISHO (KEYDMEDIA) - Barakacayaasha abaarta ee ay dowlada KMG ah isugu geysay xerada Badbaado ee degmamda dharkeyley ayaa bilaabay in ay halkaasi ka soo cararaan isla markaana ay dib ugu laabtaan meelihii hore looga kaxeeyay.

Weather Mogadishu, SO

overcast clouds 24.9°C overcast clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)