Aas Qaran oo Maanta Muqdisho Loogu Sameeyay Gen. Maxamed Faarax “Gordan”

Muqdisho (KON)- Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka waxaa aas Qaran loogu sameeyay allahaa u naxariistee taliyihiin guutada 5-aad ee Ciidanbka xoogga dalka Genaraal Maxamed Faarax “Gordan” kaasoo ku geeriyooday weerar gaadma ah oo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ay shalay kula eegteen deegaanka Buufow ee ku yaalla inta u dhaxeysa Marka iyo Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Aas Qaran oo Maanta Muqdisho Loogu Sameeyay Gen. Maxamed Faarax “Gordan”

Aaska qaran ee maanta loo sameeyay marxuum Genaraal Maxamed Faarax “Gordan”. ayaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gashaandhiga Xuseen Carab Ciise, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka, Sakiisha Ciidmada Dowlada gaa ahaana, Militariga, Booliska, Nabadsugida iyo Waliba qaar kamid ah Ehelada sarkaalkan “Gordan”.

Talisyada ciidamada xooga dalka iyo booliska Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay gacanta ku soo dhigi doonaan cidii ka dambeysay dilkii Taliyihii guutada 5-aad ee ciidanka xoogga kadib markii maanta aas qaran loogu sameeyay qabuuraha Sheekh Suufi ee magaalada Muqdisho,,,,,

Genaraal Maxamed Faarax “Gordan” ayaa shalay ku geeriyooday weerar gaadma ah oo ay ku qaadeen kolonyo baabuur oo uu la socday Genaraal Maxamed Faarax “Gordan”.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho