Abaabe iyo caruurtii oo xalay lagu dilay Mudug.

Gaalkacyo (Keydmedia) - Maleeshiya beeleed hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar gaadma ah ku qadeen cid reer guuraa ah oo deganeyd qeybo kamid ah gobalka mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Abaabe iyo caruurtii oo xalay lagu dilay Mudug.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku naf waayay sedax ruux oo ah Aabe iyo laba caruur ah oo uu dhalay halka ruux kalana uu ku dhaawacmay,sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gobalka.

Maleeshiyaadka weerarka fuliyay ayaa la’aaminsanyaha in ay kasoo jeedaan Cadaado, iyada oo weerarkaanina lalaxariirinayo weerarro aar goosi ah oo gobalka hareeyay waayihii danbe.

Tan iyo bilaawgii bishaan gobalka Mudug waxaa kadhacayay weerarro gaadma ah oo dad badan lagu laayay, mana jirto wax waan waan ah oo lagu qaboojinayo dhibaatadaan beeleysiga ah ee dadka badani ay naftooda qaaliga ah ku waayeen.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.