Abaaraha ka jira dalka oo gaaray halkii ugu darnaa [3,200,000]

Marka loo eego xogta ay soo saartay Protection and Monitoring Returns Network (PRMN), 147,000 oo qof ayaa guryahooda abaar awgeed uga cararay saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, kuwaas oo intoodan badan ku dhaqan koofurta iyo bartamaha dalka.

News Keydmedia Online
Abaaraha ka jira dalka oo gaaray halkii ugu darnaa [3,200,000]

MUQDISHO, Soomaaliya - Abaaraha sii kordhaya ee dalka ka jira ayaa abuuray dhibaato barakac oo baaxad leh. 245,000 oo qof ayaa horay uga qaxay guryahoodii, xilli la saadalinayo in tiradu gaari doonto ilaa 1.4 milyan, bilaha soo aaddan.

Rubuc milyan qof ayaan haysan wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inay ka baxaan guryahooda tan iyo bilowgii 2021-ka, iyagoo wajahaya biyo iyo cunto yari naf-gooyo ah, dadaalka bini'aadantinimo ayaa socda, laakiin agabka la heli karo kuma filna in uu daboolo baahiyaha sii kordhaya.

"Abaarta Soomaaliya si daran ayay kor ugu sii kacaysaa ka dib saddex xilli roobaad oo sidii loo baahnaa aan u di’in, waa waqtigii ugu darnaa muddo 40 sano ah” ayuu yiri Maxamed Cabdi, Madaxa Hay'adda Norwegian Refugee Council (NRC) ee Soomaaliya.

Shaqaalaha samafalka ee NRC, ayaa sheegaya in marba marka ka danbeysa ay sii kordheyso tirada xoolaha le’anaya, carruurta nafaqo-xumada hayso, dhimashada la xiriirta abaaraha, iyo dadka u baahan gargaarka oo dumarka, caruurta iyo waayeelku ugu horreeyaan.

"Waxaan la cararay caruurteydii oo waxaan imid halkan, ma haysanno doorasho kale, waxaan haysanay 30 lo' ah, laakiin qaar badan ayaa u dhintay abaarta awgeed." Ayay tiri Ceebla Cabdi, hooyo heysata shan caruur ah oo 200 oo kilomitir u safartay xero barakac oo ku taal Kismaayo.

Tallaabooyin ka hortag ah, oo ay ku jiraan bixinta biyaha la cabbo, cuntada, agabka aasaasiga ah, iyo taageerada guud ee hab-nololeedyada, ayaa muhiim ah si looga fogaado barakac kale, sida ay sheegeyso NRC oo ballaan qaadday in ay garab istaagi doonto nus milyan ka mid ah dadka ay sida daran abaartu u saameysay.

"Si aan uga hortagno masiibada bini'aadantinimo ee indhaheenna ku soo fool leh, waxaan ka codsanaynaa dalalka deeqaha bixiya inay dhiibaan dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si loo xaqiijiyo gargaarka naf-badbaadinta malaayiinta qof ee ay saameeyeen abaarihii ugu xumaa muddo toban sano ah”. Ayuu yiri Madaxa NRC ee Soomaaliya.

Marka loo eego xogta ay soo saartay Protection and Monitoring Returns Network (PRMN), 147,000 oo qof ayaa guryahooda abaar awgeed uga cararay saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, kuwaas oo intoodan badan ku dhaqan koofurta iyo bartamaha dalka.

Waqtigan xaadirkan 3,200,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya - shan meelood meel dadka - ayay abaartu saameeyay. Saadaal ay dhawaan samaysay, Displacement Tracking Matrix (DTM) ayaa sheegeysa in ilaa 1,415,000 qof laga yaabo in ay barakacaan lixda bilood ee soo socda.

Abaartu waxa ay bulshada u horseedaysaa cawaaqib xumo ay ka mid yihiin cunto yari iyo biyo la’aan, nafaqo darro, kor u kaca qiimaha badeecadaha, khasaaraha dalagyada iyo xoolaha, iyo khataraha ammaanka, oo ay ku jiraan rabshadaha ku salaysan jinsiga iyo colaadaha ka dhasha kheyraadka dabiiciga ah oo lagu diriro.

Dowladda Federaalka iyo maamullada ayaa ku masquulsan doorashada, halka ay dhibaatoonayaan boqollaal kun oo qof oo aan heysan biyo ay cabaan, Al-Shabaab, qudhooda ayaa ka qeyb qaadanada qixinta dadka abuuuhu saameeyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.