Abaaro & biyo la’aanta ka jirta Jubbada hoose

Sawirro laga soo qaaday qeybo ka mid ah degannada ay xaaladaha bini’adannimo ka taagan yihiin, ayaa muujinaya doorsoon xooggan oo ku dhacay xoolaha iyo dadka lehba jir ahaan.

Warar Keydmedia Online
Abaaro & biyo la’aanta ka jirta Jubbada hoose

Jubbada hoose – Abaar xooggan ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhifatay gobolka Jubbada hoose, biyo iyo baad la’aan daran oo jirta ayaana sababtay in dadka xoolo dhaqatada ah ka qaxaan guryahooda, si ay u raadsadaan goobo ka nolol fiican oo xooluhu ka heli karaan wax ay cunaan.

Xoolo dhaqatada ku nool agagaarka, Afmadow, Dhoobley iyo Kulbiyow, ayaa si weyn looga deyrinayaan, duunyada ayaana tarab-tarab u le’aneysa, sida ay sheegayaan dad u kuur-galay xaaladaha ka dhashay abaarta.

Sawirro laga soo qaaday qeybo ka mid ah degannada ay xaaladaha bini’adannimo ka taagan yihiin, ayaa muujinaya doorsoon xooggan oo ku dhacay xoolaha iyo dadka lehba jir ahaan.

Degaanka Kulbiyow, waxaa guray ceelkii ugu dambeeyay ee biyaha waraabka ah looga shubi jiray xoolaha, taas oo khasab ka dhigtay in qoysaska qaar ay door-bidaan cabitaanka  biyaha ku haray Warta oo nadiif ahayn.

Marka laga yimaado abaaraha, waxa qaar ka mid ah degaannada ka jira colaado sokeeye iyo ka cabsida aanooyin qabiil, cudurro abaaraha iyo biyaha aan nadiifka ahayd sababeen, ayaa sidoo kale soo warinayaa, kuwaas oo uga sii dareysa xaaladda.

Maamulka Jubaland ayaa qeylo-dhaan ka soo saaray abaarahaan aad u xooggan, wuxuuna maamulku sheegay in kaliya biyo dhaamin Jubbaland sameyso aan lagu badbaadin karin xoolaha baaba’aya ee gobolka Jubada Hoose.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.