Abiy Axmed oo 72 saac u qabtay hoggaanka TPLF

Dagaalka Itoobiya ayaa ah mid weli socda, iyadoo ciidanka dowladda ku dhow yihiin Caasimadda Tigray-ga.

Warar Keydmedia Online
Abiy Axmed oo 72 saac u qabtay hoggaanka TPLF

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 72 saacadood u qabtay xoogagga Jabhadda TPLF isaga ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan dowladda, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan Caasimadda Maqalle.

“Waxaan idinku boorinayaa in aad si nabad ah isu soo dhiibtaan 72 saacadood guduhood aadna ogaataan in aad joogtaan meel aan laga noqon karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Xoogagga TPLF ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka uu yiri Ra’iisul wasaare Abiy.

Mar sii horreysay ayay xoogagga TPLF oo diiday in ay ka tanaasulaan maamulka iyo gacan ku heynta gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda ay qodanayaan dhufeyso ayna sii wadi doonaan dagaalka.

Dagaalka oo muddo saddex todobaad ah socda ayaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen, kumannaanna ay ku barakaceen, waxaana adag in la xaqiijiyo khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama ay Isgaarsiinta deeganka maqantahay. 

Ciidamada dowladda Dhexe ayaa ka digaya in magaalada Maqalle oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof in taangiyo lagu hareereeyey ayna dhici karto madaafiic in lagu garaaco.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre-michael oo u warramay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada daacadda u ah TPLF ay diyaariyeen qorshe rogaal celis ah oo ay kaga adkaanayaan ciidamada dowladda.

“Hirar iyo Mowjado dagaal ayey nagu soo qaadeen balse waxtar ma leh”, ayuu yiri mar uu u warramayey Wakaaladda Wararka ee Reuters.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.