Darajo-ka xayuubintii Saadaq Joon oo sharci darro lagu tilmaamay

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka Sare BJFS Abshir Axmed Bukhaari ayaa tilmaamay sharci ahaanta darajo-ka xayuubintii lagu sameeyay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Benaadir Saadaq Joon

Warar Keydmedia Online
Darajo-ka xayuubintii Saadaq Joon oo sharci darro lagu tilmaamay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka Sare BJFS Abshir Axmed Bukhaari ayaa ka hadlay darajadii laga xayuubiyay Saadaq Joon oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Gobolka Benaadir.

Senator Bukhaari ayaa sharci ahaan u sheegay in la baal maray sharciga, nidaamkii dastuuriga ahaana aan la marin, sidoo kalena madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uusan lahayn awood uu xil ka qaadis ku sameyn karo haddii xitaa uu maro hab-raaca saxda ah. 

Qoraalka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka Sare BJFS Abshir Bukhaari ee uu ku soo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook -ga ayaa sidan u qornaa:

"Saraakiisha (General ilaa Xiddigle) Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa tallaabo anshax marin ah oo culus looga qaadaa si waafaqsan Qodobka 53 -aad ee Xeerka Boliiska Soomaaliyeed, Xeer Lr.14 ee 4 Jannaayo 1973:

  1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.
  2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.
  3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.
  4. Hannaankaanka anshax-marinta ma keenayo in xubin weydo xuquuqdii liiltir ay xaqa u lahayd.

Haddii xubinta la maxkamadeeyo laguna helo dembiga, markaas ayaa laga hadli karaa in ay lumisay xuquuqdeeda liiltir iyo in kale.

Gebogebadii sharcigu kama qaadin Gen. Saadiq Cumar darajadiisii ciidan iyo xuquuqdiisii liiltir.

FG: ka sokow habraacaas sharci oo la garab maray, waxaa haddana jirta in madaxweynaha ku xusan habraacas uu yahay madaxweyne xilkiisu dhaqangal yahay oo uusan dhammaanin mudo xileedkiisu sida madaxweyne-hore Maxamed Farmajo."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].