Abshir Bukhaari oo tilmaamay waddada looga bixi karo rajo xumada

Guddoomiye ku xigeynka koobaad ee Golaha Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, ayaa sheegay in xasaradaha ka aloosan dalka iyo is aaminaad la’aanta siyaasadeed looga gudbi karo, dib u heshiisiin iyo isku turid ka timaadda dhinacyada oo dhan.

Warar Keydmedia Online
Abshir Bukhaari oo tilmaamay waddada looga bixi karo rajo xumada

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeynka koobaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ‘Bukhaari’ ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo saamileyda siyaasadda ugu baaqay in la qaado waddo cusub si loo abuuro jawi siyaasadeed oo deggan.

Senator-kii ugu horeeyay ee Soomaaliya, Abshir Bukhaari, ayaa sidoo kale Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, u rajeeyay inuu ku guuleysato howlaha adag ee horyaalla, wuxuuna ku taliyay in garab buuxa lagu siiyo.

“Rajo xumada, is-aaminaad la’aanta, kala-fogaanshaha iyo dhammaan xasaradaha dalka ka jira waxaa looga gudbi karaa in la qaado wado cusub oo ku dhisan is-aaminaad, isku-turid iyo wadar-ogol, waxaana rajo weyn ka qabaa in uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Roble uu ku guuleysto waajibkaas culus waana midaas mida RW Rooble laga rajeynayo, garab istaag buuxana uu ku mudan yahay.” Ayuu Yiri Senator Bukhaari.

Abshir Bukhaari, oo ka mid ahaa Golihii ugu horreyay Aqalka Sare ee dalku yeeshay, ee dhawaan waqtigoodu dhamaaday, ayaa ka mid ah dadka sida adag kaga hor yimid qaabkii uu wax u waday Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, kaas oo tallaabooyin qaldan uu qaaday ay sabab u noqdeen in dagaallo adag ka qarxaan Caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].