Abu Yaasir: Godane wuxuu la shaqeeyaa Sirdoonka Reer Galbeedka {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Mid kamid ah Hogaamiyaasha Al shabaab, ayaa sheegay in Axmed Godane oo yahay Nin ay soo dirsadeen Hay'adaha Sirdoonka Reer Galbeedka, marka la eego sida uu u qaarijinayo Shaqsiyaadka Madaxooda Lacagta la dul dhigay.
Warar Keydmedia Online
Abu Yaasir: Godane wuxuu la shaqeeyaa Sirdoonka Reer Galbeedka {Dhageyso}

Abu Yaasir Al Maqdisi, waxa uu tilmaamy in Hogaamiyaasha Al shabaab ay ogaadeen in  Axmed Godane uu yahay Nin la shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka, oo aysan Daacad ka ahayn Jihaadka uu ku qaldayo Dhalinyarada.

"Ninkaan Axmed Godane la yiraahdo waa Nin Xariga Alle ka furtay. Kumanaan kamid ah Al shabaab waxay ogaadeen in uu yahay Nin ay Reer Galbeedka usoo direen in uu Dilo Shaqsiyaadka ay doonayaan ee ku sugan Soomaaliya, wuxuu billaabay in uu Culumada ku maaweeliyo Waxyaabo aan jirin, waxa uu billaabay kala qeybin & Dhaqaalo aruursi," ayuu yiri Abu Yaasir Al Maqdisi.

Abu Yaasir Al Maqdisi, wuxuu kamid yahay Hogaamiyaashii Al shabaab ee kasoo horjeestay Fekerka qaldan ee Axmed Godane, uu ku dilayay Dadka Ajaaniibta ah ee Kooxda ka tirsan kuwaasi oo uu kamid ahaa Abu Mansuur Al Imriiki oo isaga ka hor yimid.

Abu Yaasir Al Maqdisi waxa uu xusay in Kooxda Al shabaab kala qeybsantay markii uu Axmed Godane dilay Hogaamiyaashii ugu waaweynaa, sida Ibraahim Afghan oo ahaa ku xigeenkiisa & Ragii aas aasay Kooxda, si uu u qaato Malaayiin Doolar oo Mareykanka u balan qaadeen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Xigasho: Radio Kulmiye