Abuu Kaate Xasan Xuseen ‘waxaan heynaa lix ka mid ah dadkii falka geystay ’

Wasiirka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen lix ka mid ah dadkii falka amni darrada ah ka geystay gudaha Xabsiga Dhexe. 

Warar Keydmedia Online
Abuu Kaate Xasan Xuseen ‘waxaan heynaa lix ka mid ah dadkii falka geystay ’

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda Xukuumadda Soomaaliya Abuu kaate Xasan Xuseen ayaa ka hadlay dagaalkii shalay gabal dhicii ciidamada Asluubta iyo koox maxaabiis ah ku dhex maray xabsiga Dhexe oo ku yaallo degmada Xamar Jajab ee Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlayay telefishinka afka dowladda ku hadla ayaa sheegay In ay haatan wadaan baaritaan lagu ogaanayo waxa suurta gal ka dhigay in maxaabiista xabsiga gacanta ku dhigaan hub intaa la eg, kadibna dagaal dhimasho iyo dhaawac sababy geystaan.

Wasiirka sidoo kale sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan lix ka mid ah raggii shalay ka dambeeyay falkii ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe, isagoona intaa raaciyay in ay ummadda Soomaaliyeed u balan daadayaan in xabsiga Dhexe lagu soo rogayo habraacyo dhinaca amniga ah.

"Waxaan ummadda u balan qaadeynaa inaan ilaalin doono xabsiyada, aana ku soo rogi doono habraacyo lagu damaanad qaadayo maxaabiista amnigooda iyo ilaalinta maxaabiista." ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in cadaaladda la hor keeni doono cid kasto oo ku lug lahaato weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kaasoo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxdii shalay ka dagaalantay gudaha xabsiga Dhexe ayaa la sheegayaa in ay ku dagaalameen saddex bistoolad iyo lix Bambaano, waxaana arintaan su'aalo ka keenay khuburo dhinaca amniga ah oo sheegay in arintaan saraakiisha ay ku lug lahaa karaan.

Ugu yaraan 7 ruux ayaa la xaqiijiyay oo saddex ka mid ah askarta ilaalada ahaayen, halka afarta kalena ay ahayeen dableydii dagaalameysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.