Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka badbaaday Isku day dil dhaawacna uu soo gaaray

Muqdisho (KON) Cumar Xamaami oo ku magac dheer Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu qaarajiyo.
Warar Keydmedia Online
Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka badbaaday Isku day dil dhaawacna uu soo gaaray

War qoraal ah oo uu soo dhigay bogiisa Twitter -ka ayuu ku sheegay in uu ka badbaaday weerar lagu doonayay in lagu dilo.

Wuxuu sheegay in ilaa iyo sadax xabadood lagu riday, isla markaana haatan uu soo gaaray dhaawac fudud.

Waxaa la arkayay sawiro uu soo saaray bogiisa Tweeter-ka oo muujinaya rasaas kaga dhacday dhanka dhuunta iyo dhiig ka baxaya.

Ilaa iyo iminka ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan arintaan, xili horay Abuu Mansuur uu u sheegay in uu ka baqayo in ay toogtaan Al-Shabaab.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho