Abuukar Baalle: UNSOM way xaqirtaa horumarka Soomaaliya

Qoraal loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa looga dalbaday inuu dib u eegis ku sameeyay howlgalka UN-ka ee Soomaaliya [UNSOM], kadib markii uu hoos u dhigay tallaabooyinka dhanka horumarka ee dalka uu sameynayo.

Warar Keydmedia Online
Abuukar Baalle: UNSOM way xaqirtaa horumarka Soomaaliya

NEW YORK - Danjiraha Soomaaliya ee UN-ka, Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa sheegay in UNSOM - Xafiiska Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu ku fashilmay inuu la jaan-qaado qorshiyaasha dowladda iyo isbedellada ka socda dalka.

Wuxuu tilmaamay in la gaaray waqtigii dib u eegista lagu sameyn lahaa shaqada UNSOM ee Soomaaliya, maadaama aysan ka jawaabeynin baahida jirta iyo xaqiiqda dhulka taalla, isagoo dhanka kale ka digay in la farageliyo arrimaha gudaha iyo madaxbanaanida wadanka.

Abuukar Baalle ayaa ka codsaday António Guterres in warbixinta saddexdii biloodba mar uu Wakiilka QM ee Soomaaliya u jeediyo Gollaha amaanka la bedelo qaabka ay hadda tahay, oo lagu qoro kaliya taxanaha dhacdooyinka la xiriira colaadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed.

Danjiraha ayaa soo jeediyay in warbixinta laga dhigo mid xambaarsan tallo-soo-jeedin iyo go'aanno xoojinaya horumarka Soomaaliya, maadaama dalka uusan sidii hore ahayn, oo uu sameynayo isbedel dhanka wanaagsan.

Qoraalka ashtakada ah ee Abuukar Baalle ayaa kusoo beegmay xili Gollaha Amaanka ay mudo-kordhin hal sano ah ku sameeyay waqtiga uu Soomaaliya kasii shaqeynayo Xafiiska UNSOM, kaasoo la aas-aasay 2013-kii xiligii dalka ku jira KMG.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in Abuukar Baalle loo diiday fursadda inuu khudbad ka jeediyo Kulankii Gollaha Amaanka uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo mudo-kordhinta UNSOM, taasoo keentay inuu gudbiyo ashtakada.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.