Abwaan Guure: “Dubbe wali lug ayaa u laaban”

Abwaanadu, waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aanka Ra’iisul Wasaraha, oo ay sheegeen inuu si toos ah ula soo xariiray si uu ugu caddeeyo in uu amar ku bixiyay in laga dhabto dhamaan heshiiska.

Warar Keydmedia Online
Abwaan Guure: “Dubbe wali lug ayaa u laaban”

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Abwaannada Soomaaliyed, ayaa maanta mar kale bannan-bax ay kaga soo herjeedaan tallaabada uu qaaday Dubbe, ku dhigay afaafka hore ee Tiyaatarka qaranka, waxayna Wasiirka Warfaaafinta ku eedeeyeen in lug u duugan tahay oo wali uu doonayo inuu boobo qeyb ka mid ah dhulka Golaha Murtida iyo Madadaalada.

“Waraaqda ka soo baxday xafiiska Wasiiska Warfaafinta Soomaaliya, waxaa ku qoran inuu hakiyay qandaraaska isagoo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya”. Ayuu yiri Guure.

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay xaafiiska Cismaaan Dubbe, ayaa lagu yiri “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” – ­Qoralkaas ayayna abwaannadu ku tilmaameen mid fari ku godan tahay.

Abwaanadu, waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aanka Ra’iisul Wasaraha, oo ay sheegeen inuu si toos ah ula soo xariiray si uu ugu caddeeyo in uu amar ku bixiyay in laga dhabto dhamaan heshiiska.

Sida ay Keydmedia Online, hore u baahisay, Wasiir Dubbe, ayaa ganacsato wadata shirkad magaceeda la yiraahdo Xaawo Taako, ka kireeyay qeyb ka mid ah dhulka Tiyaatarka, ka hor diidmada Abwaannada iyo Habollada Waabari.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.