“Adiga iyo Jawaari Farmaajo idin ma rabo” Xildhibaan Idiris

Idriss Cabdi Dhakhtar, wuxuu ka mid ah xildhibannadii tirada yaraa ee Farmaajo u sameeyay muddo kordhintii sharci-darrada ahayd ee meel-mari weysay bishii April.

Warar Keydmedia Online
“Adiga iyo Jawaari Farmaajo idin ma rabo” Xildhibaan Idiris

BAYDHABO, Soomaaliya - Idriss Cabdi Dhakhtar, oo ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamaankii 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday, gar ahaan Golaha Shacabka ee JFS, lagana soo doorto degaannada dowlad goboleedka Koofur galbeed, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka DGKG, Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baafo, uu ku war galiyay in Farmaajo diidan yahay musharraxnimadiisa.

Wuxuu soo bandhigay caddeymo muujinaya inuu shubay lacagtii is-diiwaan galinta musharraxnimada isla-markaasna uu maray Waaxda danbi-baarista CID, hayeeshee loo diiday in la siiyo shahaadada cadeyneysa musharraxnimada kursiga HOP041.

“21-kii bisha ayaa la igu wargaliyay in aniga iyo Jawaari soo laabashadeenna aan la oggoleyn, dhanka dowladda dhaxe ayaa la idinka diiday sidaas awgeed ma tartameysaan, waxaa intaas igu yiri, guddoomiyaha SEIT. Ee KG, Yuusuf Baafo”. Ayuu yiri Xildhibaan Idiris.

Dhakhtar, wuxuu sheegay in Xildhibaannada ilaa hadda ka soo baxay Baydhabo, ay lagacta musharraxnimo ka bixiyeen Kooxda Farmaajo oo adeegsanaya dhaqaalaha qasnadda dhexe, taas oo uu ku tilmaamay boob hanti qaran.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka, ayuu dhankooda ku eedeeyay in ay u sheqeeyaan Farmaajo, isla-markaasna aysan diyaar u ahayn in ay dhageystaan cabashooyinka baratamayasha la hor istaagay.

“Waxaan beesha Calamka u sheegeynaa in doorasho aysan ka socon Baydhabo, beesha caalamka qudheeda waa loo diiday in ay ka qeyb galaan, bulshada rayidka waa loo diiday, aqoonyahannada waa loo diiday, kaliya malxiiska iyo la xushaha ayaa loo oggal yahay in ay xaroodaan”. Ayuu yiri.

Idriss Cabdi Dhakhtar, wuxuu ka mid ah xildhibannadii tirada yaraa ee Farmaajo u sameeyay muddo kordhintii sharci-darrada ahayd ee meel-mari weysay bishii April, wuxuuna la mid noqonayaa tiro kale oo Madaxtooyadu jidkaas marsiisay.

Wuxuu sheegay in dhowr iyo labaatan xildhibaan laga qaaday lacag, kadibna loo diiday shahaadada tartanka, taas oo uu ku macneeyay boob aan geed loogu soo gamban, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay in uu kala diro guddiyada doorashada heerarkooda kala gaddisan, maadaama ay kaliya Farmaajo u shaqeeyaan.

Dhawaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], ayaa dhankiisa caddeeyay in laga hor istaagay tartanka kursiga HOP103, kaas oo loo boobay Wasiirka howlaha guud ee maamulka Koofur galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE   

Commenting is not available in this channel entry.