Afaafka hore ee Villa Baydhabo oo qarax ka dhacay

Qof naftii hure ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday maqaaxi ku taalla inta u dhaxeysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba.

Warar Keydmedia Online
Afaafka hore ee Villa Baydhabo oo qarax ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya- Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.Qof naftii hure ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday, maqaaxi ku taalla inta u dhaxeysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba.

Awoodda jugta qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Khasaaro nafeed oo aan ka aheyn kii is qarxiyay lama soo werin illaa hadda, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Cabdifitaax Aadan Xasan, oo ah Afhayeenka Booliska Soomaaliya, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “Qaraxa waxa uu ahaa ismiidaamin, qof naftii hallige ah ayaa isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, mana jiraan wax khasaaro ah oo uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Ma cadda cidda rasmiga ah ee lagu bartilmaameedsanaayay qaraxaas, balse goobta la qarxiyay ayaa ah maqaayad ay ka shaahaan Ciidamada iaalada ka ah Villa Baydhabo iyo dad rayid ah.

Bartamihii bishan September, Maqaayad sidan oo kale ah oo ku taalla dagmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhaw xerada tababbarka ciidamada ee Turkiga ayaa ruux isa soo miidaamiyay isku qarxiyay, waxaana ku geeriyooday 11 ruux oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamo, ku sugnaa Maqaayadaas. Weerarrada ceynkan oo kale ah waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.