Afar sano kahor maanta oo kale ayuu xilka la wareegay Farmaajo

Maxamed Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la wareegay xilka madaxweynaha Soomaaliya toddobaad kaddib markii uu ku guuleystay xilka madaxweyanaha.

Warar Keydmedia Online
Afar sano kahor maanta oo kale ayuu xilka la wareegay Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo waxa uu la wareegay xilka madaxweynaha afar sano kahor maanta oo kale, si dimuqraadiyad ah ayuu xilka uga guuleystay madaxweynihii hore, una wareejiyay hayeeshee afar sano kaddib saan-saanta muuqata uma eka mid Dimuqraadiyadeed!

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo wuxuu ku guul-darreystay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, waxa uuna hareer maray sharciga dalka u yaal, iyadoo aysan jirin muddo kordhin, baarlamankana aan la hor keenin oo aan la ansixin ayuu si caadi ah shaqadiisii uwata, mana u arko inuu yahay madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday.

Farmaajo waxaa kaloo uu ku guul darreystay isku keenidda qeybaha kala duwan ee saamileyda siyaasadda kuwaasoo uu col kula noqday siyaasadda, waxa uuna ku hor gudban yahay oo uu diiday in jiho loo dhaqaajiyo heshiiskii 17-ka September ee sanadkii hore lagu gaaray xarunta Villa Somalia.

Afar sano kaddib isagoo aan wax qaban ayuu weli quud-darreynayaa in uu sii dhex fadhiyo Villa Somalia, muddo kororsi aan sharci ahayn ayuu damcay inuu baarlamanka ka dhammeysto, hayeeshee xubnaha beesha caalamka ee Xalane ku sugan iyo kudlada cusub ee xildhibaanada labada aqal ee BJFS ayaa ka dhiidhiyay, taa baddalkeedana wuxuu go'aansaday inuu sii wato shaqada oo si dadban ayuu muddadii ku kororsaday.

Ma isleedahay Afar sano kaddib hasii fadhiyo madxweyne Farmaajo xarunta laga maamulo dalka ee Villa Somalia?

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.