Gabar Muqdisho laga afduubay oo lagu qabtay Guriceel

Gabadhan ayaa shalay laga Afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoo weli magaaaladu ay cabsi ka jirto.

Warar Keydmedia Online
Gabar Muqdisho laga afduubay oo lagu qabtay Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka degmada Guriceel, ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigey Nin lagu tuhunsanyahay in uu gabar kasoo afduubay magaalada Muqdisho.

Gabadha la qafashay ayaa lagu magacaabaa Hibo Maxamed Xasan, waana 18-sano jir, waxaana laga qafaashay xaafadda Shanta geed, degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Gabadha ayaa hadda bad-qabta, welina ma jirto wax faah faahin kale oo ay bixiyeen laanta amaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo batay falalka qafaalka gabdhaha iyo sidoo kale caruurta yar-yar, iyadoo la sheego in lagala baxo xubnahooda muhiimka ah.

Dowladda federaalka ayaa indhaha ka eeganeysa waxa ka dhacaya Magaalada Muqdisho, iyadoo maalin cad dadka la qafaalanayo, xilli ay ciidamada DFS meel walbo taagan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.