Afhayeenka Musharixiinta oo ka hadlay Dibad-baxa Jimcaha

Afhayenka Middowga Musharaxinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay arrimo la xariira bannan-baxa ay ku dhawaaqeen inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho maalinta jimcaha ah.

Warar Keydmedia Online
Afhayeenka Musharixiinta oo ka hadlay Dibad-baxa Jimcaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in mudaharaadku uusan ahayn mid la qarinayo, bulshada oo dhanna ay ugu baaqayaan in ay ka soo qeyb galaan, isla markaana uu la mid yahay dibad-baxyadii ay Dowladdu qabsan jirtay.

 “Mudaharaadkaasi waa mid nabadeed oo dagaal iyo dirir aan loola jeedin, waa mudaharaad Dastuurka waafaqsan oo muwaadiniinta xaq u siinaya in habkii ay wax ku gudbi karaan wax ku gudbiyaan”. Ayuu yiri Geelle.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Geelle wuxuu tilmaamay in mucaaradku aysan carqaladeyn bannaan-baxyadii DF qabsan jirtay sidaas daraaddeed aysan macquul ahayn in rabshado ka dhashaan midka ay iyagu iclaamiyeen.

Kooxda Farmaajo ayuu ku eedeeyay in ay doonayan in bannaan-baxaas carqaladeeyaan, wuxuuna sheegay in dowladda ay waajib ku tahay sugidda amniga bannaan-baxa.

“Waxaan la hadlayaa taliyaha Booliiska Xijaar, waxaan xasuusinayaa in Booliiska shaqadiisa aas-aasiga ah ay tahay inuu sugo amniga qofka muwadinka ah, ha joogo xaafiiskiisa, gurigiisa ama goob uu ku mudaharaadayo”. Ayuu yiri Geelle.

Taliyaha Nabad Sugidda Fahad Yaasiin ayuu u sheegay in ay waaajib ku tahay sugidda amniga iyo ilaalinta bad-qabka ka qeyb qaatayaasha Bannaan-baxa.

Wuxuu Farmaajo ugu baaqay inuu joojiyo gaadmada lagu bartay iyo waxyeeleynta dadka ka aragtida duwan , isla markaana uu ilaaliyo xasilloonida dalka. Wixii dhib halkaa ka dhacaya ayuu sheegay in Farmaajo musuuliyaddeeda qaadayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.