Afhayeenka Ahlu-suna “Dowlada Fashil ayeey ku dhawdahay”

Shikh C/laahi C/raxmaan Abuuyuusuf (Alqaadi) ayaa sheegay Dowlada in ay fashil ku dhawdahahay isla hadii aanay is bada qaban.
Warar Keydmedia Online
Afhayeenka Ahlu-suna “Dowlada Fashil ayeey ku dhawdahay”

Abuu-yuusuf waxa uu sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada ay gacan saar la leeyihiin kooxaha Dowlada ka soo horjeeda isla markaana ay u fududeeyaan arimo badan oo lagu taageerayo dhinacyadaasi.

"Waxaa jira saraakiil ka tirsan Alshabaab oo ka safra garoonka Diyaarahada Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana safarada kooxahaasi fududeeya Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada, ragaasi iyaga ah ayaa Dalal caalamka ah waxa ay u aadaan sidii dhaqaale ay u soo ururin lahaayeen iyo waliba iyaga oo dhalinyarada qurba joogta ah ka dhaadhiciya Sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Dagaalka Soomaaliya".

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray in xubna wasiira ah oo ka tirsanaa Xukuumadii Nuur Cadde  ay damacsan yihiin xiligan in ay dowlada ka mid noqdaan iyaga oo sheegaya in ay matalaan Ahlu-suna, waxaana dadkaasi uu ka xusay Axmed C/salaan Aadan oo iminka ku jira sida wararka lagu helayo liiska Wasiirada uu gudbiyay R.wasaare Sharmarke.

www.keydmedia.net