AFRICOM: Halista Al-Shabaab waxay noqon kartaa mid ku wajahan Maraykanka

Maraykanka ayaa ciidanka Soomaaliya wuxuu ka caawiyaa la dagaalanka Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
AFRICOM: Halista Al-Shabaab waxay noqon kartaa mid ku wajahan Maraykanka

WASHINGTON - Taliska Ciidanka AFRICOM ayaa sheegay in halista Al-Shabaab ay mustaqbalka noqon karto mid ku wajahan dalka Maraykanka, xilli madaxweyne Trump uu sheegay in ciidankiisu uu Soomaaliya kala baxayo.

Col. Chris Karns oo h Afhayeenka AFRICOM ayaa sheegay in halis ay ka dhalan karto in ciidankooda Soomaaliya laga daad gureeyo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay ka fiirsasho dheer.

Ciidamda Maraykanka ee Soomaaliya jooga ayuu sheegay Afhayeenka in kaliya aanay wax u qaban dadka Soomaaliyeed ee sidoo kale ay halkaan ka difaacaan ammaanka Maraykanka.

Karns ayaa tilmaamay in ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ka howlgala ay sameeyeen horumar ballaaran oo dhanka ammaanka ah, sidoo kalena ay bur-buriyeen awooddii badneyd ee Kooxda Al-shabaab.

Trump, aqalka cad iyo la-taliyeyaasha dhanka amniga qaranka Maraykanka ayaa xilligaan diyaarinaya qorsheyaasha ay ciidanka Marakanka uga bixi lahaayeen Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.