Afursidayaal lagu xiray ceelasha

Keydmedia (Muqdisho) Xisbiga ka taliya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa maanta is hortaag ku sameeyay samafalayaal ku howlanaa qeybinta raashiin loogu tala galay afurinta dadka sooman.
Warar Keydmedia Online
Afursidayaal lagu xiray ceelasha

Dadka howshooda samafal is hortaaga lagu sameeyay ayaa waxaa horkaciyay Shiikh lagu magacaabo Yuusuf Max'ud cismaan, waxaana mudo kooban leysugu daray handadaad iyo hanjabaad iyagoona erayo kulul u adeegsaday shiikhaasi, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa goobta uu falkaasi ka dhacay wariyaal la socday barnaamijkaasi samafal kuwaa oo iyana loogu hanjabay in la dhibaateyn doono hadii ay isku dayaan dhagaha shacabka in ay u baahiyaan waxa ay la kulmeen.

Mudo markii la hayay Samafalayaasha iyo Wariyaasha ayaa loo ogolaaday in ay sii anbaqaadaan howshooda iyadoo aan wax raali galin ah laga siin dhibaatadii loo geestay iyo waqtigii laga dhumiyay.

Dhanka kale barakacayaal dibad bax ka dhigayay deegaanka Lafoole oo ka tirsan deegaanada loo barakacay ayaa iyana la huwiyay rasaas, waxaana dadkii dibad baxayaasha ahaa ay noqdeen kuwa is buurtay oo dhibaato dhaawac halkaasi ay ka gaartay.

www.keydmedia.net