Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo xilka laga qaadey [Yaa lagu bedelay?]

Koofi oo horey uga soo goostay Al-Shabaab ayaa July 2016 loo magacaabey Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha xiligii dowladdii Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo xilka laga qaadey [Yaa lagu bedelay?]

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Aadan Koofi, oo ahaa mudo 6 sano Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa Maanta xilka laga qaadey, iyadoo lagu bedelay C/qaadir Cilmi Cali.

Gollaha Wasiiradda ayaa ansixiyay xilka-qaadista, oo uu soo jeediyay Wasiirka amniga C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xili dalka uu ku jiro kala-guur.

Agaasimaha Cusub C/qaadir Cilmi Cali [Cabdul] ayaa saaxiib dhaw la ah Ra'iisul wasaare Rooble, wuxuuna kamid ahaa kooxda la-taliyeyaashiisa dhinac doorashooyinka Soomaaliya.

Koofi oo horey uga soo goostay Al-Shabaab ayaa July 2016 loo magacaabey Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladdii Xasan Sheekh. Mudo dheer ayuu xilka hayay.

Sidoo kale, Wasiiradda ayaa meel-mariyay magacaabista Agaasimaha cusub ee hay'adda Batroolka, oo loo magacaabey C/qaadir Aadan Maxamuud, oo uu keenay wasiirka Batroolka.

Koofi intii uu xafiiska joogey waxay hay'adda Socdaalka laga bixiyay baasabooro loo sameeyay hogaamiyeyaal sare oo katirsan Al-Shabaab iyo xubno ka ka duulay Garoonka Aadan Cadde.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.