Agaasime Koofi oo ka badbaaday Qarax lagula eegtay Muqdisho

Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan oo qalqal ku beeray shacabka magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Agaasime Koofi oo ka badbaaday Qarax lagula eegtay Muqdisho

Faah fahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax goor dhow ka dhacay nawaaxiga KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada.

Qaraxa ayaa ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay lalana eegtay Gaari uu la socday Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowldda Federaalka, Maxamed Aadan Koofi.

Agaasimaha ayaa bad-qaba oo ma jirto waxyeello kasoo gaartay qaraxan, balse waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalineysay.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay meel ku dhow bar-koontarool oo ku taalla wadada ka baxda KM-4, islamarkaana aadda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ciidamo dheeraad ah oo tagay halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo, waxaana la xiray wadada. Sidoo kale, gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta ka qaaday dadka waxyeellada dhaawaca ah soo gaartay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay qaraxyada, dilalka qorsheysan iyo sidoo kale falalka amni darri.

Dowladd Farmaajo oo uu dhammaaday waqtigeeda ayaan amniga dalka wax ka qaban, waxaana Afartii sano ee lasoo dhaafay uu dalka ku jiray amni darri middii ugu weynayd, iyadoo la xusuusto in magaalada Muqdisho ka dhacayn qarxyadii ugu waaweynaa ebed ee dalka ka dhaca sida qaraxii Zoobe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.