Agaasimeyaal cusub oo la magacaabay

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuween Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku magacaabay laba agaasime guud 

Warar Keydmedia Online
Agaasimeyaal cusub oo la magacaabay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, iyadoo agaasimihii hore ee wasaaradda xilkii laga qaaday.

Sidoo kale waxaa iyana isbadal lagu sameeyay wasaaraddii caafimaadka iyo daryeelka bulshada, waxaana xilkii laga qaaday Agaasimihii hore ee wasaaradda iyadoo haatana loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa xilli kala guur ah iyadoo labada wasaarad ee isbadalka lagu sameeyay ay kamid yihiin wasaaradaha ugu muhiimsan ee xukuumadda Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.