Agaasimihii Horseedmedia oo xabsiga laga sii daayay

Boosaaso(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Agaasimhii idaacadda Horseedmedia ee magaalada Boosaaso C/fitaax Jaamac Mire.
Warar Keydmedia Online
Agaasimihii Horseedmedia oo xabsiga laga sii daayay

C/fitaax ayaa laba bilood iyo bar ka hor waxaa xabsiga dhigay ciidamada maamulka Faroole waxaana lagu eedeeyay C/fitaax inuu wareestay Wadaad diimeedka dagaalka adag kula jiray maamulka bari Max’ed Saciid Atam

Maxkamad aan qareen laheyn ayaa ku xukuntay xili hore c/fitaax 6 sano oo xarig iyo lacag ganaax ah, laakiin C/raxmaan Faroole oo shalay siminaar loo xirayay wariyaal ka qeyb galay ayaa sheegay in cafis uu u fidyay C/fitaax, laakiin waxaa xusid mudan in mudadii uu xirnaa wariyaha aan wax cadaalad ah la hor geyn.

Dhanka kale Faroole ayaa ugu hanjabay wariyaasha in talaaba uu ka qaadi doono haddii ay u hogaansami waayeen danaha maamulkiisa.

______________________________________________________________________________________ Daawo Sababta Loo Xiray C/fitaax Jaamac Mire:

 




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.