Ahlu-Suna “Dad baan xirxirnay”

Muqdisho (keydmedia) Ciidamada ururka Ahlu-suna Waljamaaca ee ku sugan degmada Guriceel ee gobalka Galguduud ayaa wada maalinkii seddexaad howl galo ay ku xirxirayaan dad rayid ah.
Warar Keydmedia Online
Ahlu-Suna “Dad baan xirxirnay”

"Howl galada waa ay socdaan, ilaa hada waxaan soo qabanay 15 ruux oo xabsiga la dhigay, dhawaan ayaana maxkamad la soo taagi doono, sidoo kale way socon doonaan howl-galada tan iyo inta amaanka laga xaqiijinayo" sidaa waxaa yiri gudoomiyaha Guriceel ee Ahlu-suna Cismaan Ciisa Nuur oo saxaafadda la hadlay.

Talaabadan ay ciidamada dadka ku xirxirayaan ayaa ka danbeysay kadib markii daraad galinkii danbe qarax bambaano lala eegtay guriga uu ka daganyahay magaaladaasi Cismaan Ciise oo ah gudoomiyaha Ahlu-suna ee degmada guriceel.

www.keydmedia.net