Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Gudoomiyaha golaha dhexe Shiik Cumar C.qaadir Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in culimada ay go’aankaasi ka horjeedo waxaana uu beesha caalamka ka dalbaday in ay is hortaag ku sameyso ficilkaasi kali talisnimo ee uu ku dhaqaaqay Shariif Xasan.
Go’aanka ay 3-sano ku korarsadeen Baarlamaanka ayaa mucaarada la kulmiyay tan iyo markii lagu dhawaaqay waxaana taasi ay muujineysaa sida shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya ay ka niyad jabeen.
Ilaa iyo hadda wax fal celin ah oo ku aadan dhaliisha go’aankiisa loo jeedinayo kama soo yeerin Shariif Xasan waxaana uu ku suganyahay Dalka Jabuuti.
Add comment
Comments