Ahlu-suna: Shabaab waa dabar go’i doonaan

DHUUSAMAREEB(KEYDMEDIA) Maamulka culimada ahlu-suna ee goablada dhexe ayaa sheegay in xili dhaw ay soo gaba gabeyn doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Shabaab iyagoona xusay in astaantii burburka kooxda in hadda la dareemayo.
Warar Keydmedia Online
Ahlu-suna: Shabaab waa dabar go’i doonaan

Afhayeenka gobalada dhexe ee ahlu-suna C/risaaq  Ashcari ayaa sheegay in qorashaasi iminka uu jiro isagoona hoosta ka xariiqay in culimada Ahlu-suna bisha mowliid ee iminka bilaabatay ay joojin doonaan weerarada isla markaana ay xusi doonaan Dhalashada Nabiga CSW.

“faraha kama laaban doono mudada aan ku jirno xuska Nabiga haddii ay na soo weeraran kooxda shabaab” sidaa waxaa yiri ashcari oo warbaahinta kula hadlay gobalkad galgduud.

Kooxaha huwan magaca diinta ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa mudadanba waxa ay ahaayeen kuwa siyaabo kale duwan isagu hanjaba, iyadoona isku dhacyadooda dhibaato shacab laga dhaxlo.

www.keydmedia.net