Ahlu-sunna oo la wareegtay Gureceel iyo Matabaan

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa galay gacanta Ururka Ahlu Sunna.

News Keydmedia Online
Ahlu-sunna oo la wareegtay Gureceel iyo Matabaan

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa la waraagay degmooyinka Guriceel iyo Matabaan, oo kala dhaca gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, kadib duullaan ay manta ku soo qaadeen labada magaalo.

Ciidamadii Booliska ee joogay labada degmo ayaa ku biiray Ciidamada Taabacsan Alhu Sunna, taas oo sababtay in ay dagaal la’aan kula wareegaan degmooyinka.

Dadka degaanka, ayaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay gudaha u galeen Saldhigyada Booliska iyo Xarumaha Maamulka ee magoolinka.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin la wareegitaanka degmooyinkaan ee Alhlusuna.

Wixii soo kordha kala soco bogga wararka ee Keydmedia.net

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.