Ahlu Suna oo isku khilaaftay Xukuumada Cusub

Gudoomiyaha gudiga fulinta Ahlu-suna waljamaaca Shiikh Max’ed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in aanu burburin wada hadalkii u dhaxeeyay Dowlada iyo ahlu Suna.
Warar Keydmedia Online
Ahlu Suna oo isku khilaaftay Xukuumada Cusub

Xeefow waxa uu qiray in Wasiiro matala Ahlu-suna ay hada ku jiraan Dowlada isagoona xusay in qaabka ay dowlada u fulisay heshiiska uu dhaliilo leeyahay in ay saxdana looga fadhiyo laakiin aanu gabi ahaan meesha ka bixin heshiiska.

 

Hadalka Xeefow ayaa waxa uu imanaya xili Gudoomiyaha guud ee Ahlu suna Shiikh Max’ud iyo xoghayaha warfaafinta Shiikh C/lahi C/raxmaan abuu yuusuf Alqaadi ay isku raaceen in gabi ahaanba uu meesha ka baxay heshiiskii kala dhaxeeyay Dowlada isla markaana xili dhaw ay go’aan ka qaadan Doonaan.

 

www.keydmedia.net